Magaalada Muqdisho waxa ka bilaabatay dhagaysiga khudbadaha murashaxiinta u tartamaysa Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka ka soo galaya gobollada Waqooyi.

Murashaxiinta oo kor u dhaafaya dhawr iyo labaatan ayaa taariikhdooda iyo waxqabadka ay doonayaan inay sameeyaan haddii la doorto kahor jeedinaya ergada wax dooranaysa oo dhawriyo afartan iyaguna ka kooban.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa xalay sheegay in kursiga koobaad ee Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ee Somaliland uu gudoomiye Cabdi Xaashi kula tartami doono musharrax Saciid Cumar Xuseen.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in go’aankaasi ay gaareen kaddib markii ay dhagaysteen talo jeedinta odayaasha deegaanka ee kursigaasi, dhanka kalana ay tixgaliyeen muhiimadda ay leedahay in la tartamo.