Kulammo ka tirsan heerka guruubyada tartanka UEFA Champions League ayaa caawa la ciyaaray, iyadoo kooxaha waa weyn qaarkood ay ciyaareen.

Kooxaha Manchester United, Juventus, Barcelona, Chelsea iyo Bayern Munich ayaa ugu madax fiiqan kooxaha caawa ka ciyaaray tartanka UEFA Champions League.

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa garoonkeeda Allianz Arena guul ay u qalantay kaga gaartay naadiga Dynamo Kyiv, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-0, iyadoo labada gool uu u dhaliyay laacibkeeda Robert Lewandowski, halka Choupo-MotingGnabry iyo Leroy Sané ay min gool kala dhaliyeen.

Sidoo kale Juventus ayaa guul ay u baahneyd kaga gaartay garoonkeeda Allianz kooxda reer England ee Chelsea, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, waxaana goolka qura u dhaliyay laacibkooda Federico Chiesa.

Dhinaca kale naadiga Benfica ayaa cagta marisay kooxda reer Spain ee Barcelona, waxayan ugu awood sheegatay 3-0, waxayna kaga mahad celineysaa goolasha xiddigaheeda kala ah Nunez iyo Silva.

Manchester United ayaa Dhankeeda guul soo laabasho ah kaga gaartay garoonkeeda Old Trafford kooxda Villarreal, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, United-ka waxaa goolasha u kala dhaliyay Alex Telles iyo Cristiano Ronaldo.

Hadaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada labaad ee caawa lag ciyaaray marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League,:-

Group E

Bayern Munich 5-0 Dynamo Kyiv

Benfica 3-0 Barcelona

Group F

Atalanta 1-0 Young Boys

Manchester United 2-1 Villarreal

Group G

FC Salzburg 2-1 Lille

Wolfsburg 1-1 Sevilla

Group H

Zenit 4-0 Malmo FF

Juventus 1-0 Chelsea