Ugu yaraan 116 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal dhex maray kooxo burcad ah oo ku dhex dagaallamay xabsiga ku yaalla dalka Ecuador.

Sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas, arrintaas waxay ka dhigan tahay in qalalaasahaas uu yahay midkii ugu dhimashada badnaa ee xabsi ka dhex dhacay, taariikhda dalkaas.

Ugu yaraan shan maxbuus ayaa madaxa looga jaray iska hor-imaadyadii Talaadadii ka dhacay magaalada Guayaquil, halka kuwo kalena la toogtay.

Taliyaha booliska Fausto Buenaño ayaa sheegay in maxaabiista ay sidoo kale isu adeegsadeen bambooyin.

Xabsiga Litoral waxaa ku jira maxaabiis ka tirsan kooxaha Ecuador ee la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin burcadda daroogada ka ganacda ee dalka Mexico.

Waxaa lagu tiriyaa in uu xabsigaas yahay midka ugu halista badan dalkaasi.

Waxaa goobtaas la geeyay 400 oo askari oo boolis ah si ay u xakameeyaan rabshadihii halkaasi ka dhacay.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaya in kacdoonka ay amar ku bixiyeen kooxaha awoodda badan ee ka ganacsiga daroogada ee dalka Mexico, kuwaas oo hadda ka hawlgala Ecuador.

Agaasimaha adeegga xabsiyada ee Ecuador Bolivar Garzón ayaa u sheegay idaacadda maxalli in xaaladda ay “aad u xun tahay”.

“Shalay, abaara 14:00 [waqtiga maxaliga ah], booliiska waxay xakameeyeen xaaladda, laakiin xalay waxaa la maqlay rasaas kale iyo waxyaabo kale sida qaraxyo, maantana subaxdii xaaladda si buuxda ayaan ula wareegnay,” ayuu yiri.

Waxaan gudaha u galeynaa meeshii uu khilaafku ka jiray waxaana heleynaa meydad badan,” ayuu hadalka ku sii daray Bolivar Garzón.

Waa dhacdooyinkii ugu dambeeyay oo ka mid ah dhowr dhacdo oo is xig-xigay oo ay ku lug leeyihiin xubno burcad ah oo iska soo horjeeda, kuna dagaallamaya maamulka xabsiyada.

Bishii Febraayo, 79 maxbuus ayaa lagu dilay dagaallo dhexmaray maxaabiista.

Mr Buenaño ayaa sheegay in maxaabiis ku jirta qeyb xabsiga ka mid ah ay ka duuleen qeyb kale oo burcad kale ku xiran tahay.

In ka badan 80 maxbuus ayaa ku dhaawacmay iska horimaadkaas.

Madaxweyne Guillermo Lasso ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogay xabsiyada dalkaasi.

koox dambiilayaal ah oo reer Mexico ah, oo loo yaqaano Burcadda Jiilka Cusub ee Jalisco (CJNG), ayaa isku dayaysa inay isbahaysi la sameysato burcadda reer Ecuado,r si ay ula wareegaan gacan ku haynta waddooyinka tahriibinta daroogada ee u dhaxeeya Ecuador illaa Bartamaha Ameerika.

Bishii July, Madaxweyne Lasso wuxuu sheegay in nidaamka xabsiyada Ecuador uu 30% ka badan yahay awoodooda.

Wuxuu ku dhawaaqay qorshayaal lagu dardar gelinayo hanaankii lagu siideyn lahaa maxaabiista inta badan waqtigooda soo qaatay ama galay dambiyada fudud si loo yareeyo ciriiriga.