Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in dalkaasi ay ka eriday 7 ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay kuwaas oo ay ku eedeysay in ay faraha la galeen afaaraha arrimaha gudaha ee dalka Itoobiya.

Todobadan ruux ayaa waxaa loo qabtay in ay dalka kaga baxaan 72 saac gudohood, waxaana ay u badan yihiin xubno sar-sare oo madax ka ah hay`adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalkaasi.

Wasaaradda qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa waxaa ay shaaca uga qaaday magacyada xubnaha ay dalka ka eriday kuwaas oo kala ah:

Sony Onyegbula, Monitoring, Reporting and Advocacy Team Leader, OHCHR-EARO, Adele Khodr, UNICEF Representation in Ethiopia, Kwesi Sansculotte, Peace and Development Advisor, Saeed Mohamoud Hersi, Deputy of Head of Office, UNOCHA,Ghada Eltahir Mudawi, Acting Deputy Humanitarian Coordinator, iyo Grant Leaity, Humanitarian Coordinator are ordered to leave Ethiopia.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka taagan dagaal u dhexeeya qowmiyadda Tigray-ga iyo dowladda Itoobiya kaas oo lagu dhaleeceeyay dowladda qaabkii ay u wajahday, waxaana xukuumadda Addis Abeba la saaray culeyso badan oo xag dhaqaale iyo kuwo amni intaba ah.