Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Malawi ayaa khamiistii isku toogtay gudaha baarlamaanka, halkaas oo uu kaga qeybgalayay kulanka xildhibaannada, sida uu sheegay baarlamaanka dalkaasi.

Clement Chiwaya, oo 50 sano jir ahaa, ayaa isku dhex dilay xarunta baarlamaanka. Intuusan is dilin ka hor wuxuu ka qeybgalay kulan looga hadlayay faa’iidooyinka gaadiidka ee uu xaqa u leeyahaa, xildhibaan ahaan, markii uu xafiiska ka tagayay sannaddii 2019.

Afhayeenka booliiska, James Kadadzera, ayaa xaqiijiyay dhacdadaas, laakiin wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo illaa uu warbixin buuxda ka helayo baarayaasha kiiska.

Baarlamaanka “wuxuu ka qoomameynayaa inuu shacabka ku wargeliyo in guddoomiye ku-xigeenkii hore uu isku dhex dilay xarunta baarlamaanka,” ayaa lagu yiri bayan ka soo baxay Baarlamaanka Malawi.Xayeysiin

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in arrintaas ay la xiriirto “niyad-jab uu ka qaaday in la fulin waayay waxyaabihii uu dalbanayay.”

Chiwaya wuxuu iibsaday gaarigiisii, dhammaadkii shantii sannadood ee uu xilka hayey ee sannadka 2019, sida ku cad qandaraaska.

Clement Chiwaya

Wuxuu isku dayay inuu baarlamaanka bixiyo qarashkii ku baxay shil uu gaarigiisa galay lix bilood ka dib.

Kiis ayuu u gudbiyay maxkamad, wali-na go’aan lagama gaarin.

Qoraalka ka soo baxay baarlamaanka ayaa u muuqday mid soo jeedinaya in Chiwaya, oo isticmaalay kursiga curyaamiinta, “si uu ah uu hub ula galo dhismaha baarlamaanka ee aadka loo ilaaliyo.”

“Maadaama uu yahay qof naafo ah, mashiinta lagu baaro dadka markii ay qaaylisay, waxaa loo maleeyay in uu yahay kurisiga uu ku fadhiyay oo bir ka sameysan,” ayay ayaa lagu yiri bayaanka.

Ilo ku sugan baarlamaanka ayaa u sheegay AFP in Chiwaya uu madaxa iskaga toogtay gudaha xafiiska karraaniga baarlamaanka, Fiona Kalembera.

Ka hor inta uusan noqon guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka, wuxuu soo noqday xildhibaan, sannadkii 2004.