Wararka naga soo gaarayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ay la wareegeen magaalada.

Waxaa lasoo warinayaa in uusan wax dagaal ah dhicin.

Goobjoogayaasha ayaa intaasi ku daray in ciidamada Ahlu Sunna ay gudaha u galeen Saldhigga Booliska iyo Xarumaha Maamulka.

Masuuliyiinta maamulka Galmudug wali kama aysan hadlin la wareegitaanka degmada Guriceel ee Alhlusuna.Xayeysiin

Ciidammada Galmudug ayaa la sheegay inay isaga baxeen magaalada, waxaana ka taagan magaalada xiisad inkastoo aysan dhicin wax rabshado ah. Waxaa la xiray inta badan goobaha ganacsiga ee Magaalada, iyadoo jidadka ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne oo taageera u muujinaya Ahlu Sunna..

Dhinaca kale waxaa maanta deggan deegaanka Bohol ee duleedka Dhuusmareeb oo shalay uu iska horimaad ku dhexmaray ciidammada Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda. Tiro aaan la cayimin oo dagaalamayaal labada dhinac ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalkaasi.