Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dacwad ku soo oogtay 98 qof oo lala xiriirinayo baaritaan ballaaran oo ku saabsan musuq-maasuq ka dhacay gobolka Minnesota, iyadoo la filayo in dacwado kale ay raacaan marka baaritaanku sii socdo.
“Waxaan dacwad ku soo oogay 98 qof oo la xiriira musuq-maasuq ka dhacay Minnesota. In ka badan 60 ka mid ah way qirteen dambiga. Kuwo kale ayaa imaan doona,” ayay waaxdu ku sheegtay qoraal ay ku daabacday barta shirkadda warbaahinta bulshada ee Mareykanka, X.
Mas’uuliyiinta federaalka ayaa dhowaan iftiimiyay bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, iyagoo ku tilmaamay inay xarun u tahay eedeymo la xiriira si khaldan loo isticmaalay malaayiin doolar oo ka mid ah dhaqaalaha federaalka ee adeegyada bulshada, halka ururrada u dooda xuquuqda muhaajiriinta ay sheegeen in baaritaanku si caddaalad-darro ah u bartilmaameedsanayo dadka Soomaaliyeed.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Pam Bondi, ayaa sheegtay in 85 ka mid ah dadka ilaa hadda dacwadda lagu soo oogay ay yihiin dad asal ahaan Soomaaliyeed.
Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa Axaddii sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray baaritaanka ku saabsan howl musuq-maasuq oo “baaxad weyn” leh oo ka dhacay Minnesota, kaas oo looga faa’iideystay barnaamijyada gargaarka cunnada federaalka ee loogu talagalay carruurta intii lagu jiray cudurka COVID-19.
FBI-du waxay sheegtay in ay joojisay musuq-maasuq aad u weyn oo lacagtiisu gaareyso $250 milyan. Lacagtaas waxaa loogu talagalay in carruurta danyarta ah cunto lagu siiyo xilligii COVID-19, balse dad ayaa si qaldan u qaatay.






