Maraykanka ayaa xeebaha dalka Venezuela ku qabtay markab shidaal siday.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sidaas sheegay maanta, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.
Sida uu madaxweynuhu sheegay waa markab shidaal oo aad u weyn.
Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Venezuela ayaa sii xoogeysatay dhawaanahan, si la mid ah joogitaanka ciidamada Mareykanka ee aagga, oo wata Maraakiibta Xambaara Diyaaradaha, diyaarado dagaal iyo tobanaan kun oo askari, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.
Si kastaba ha ahaatee, wali ma cadda calanka markabka la qabtay uu ku hoos shiraacday iyo waxa dhabta ah ee keenay in la qabto.








