Feedhyahankii hore ee Khabib Nurmagomedov ayaa ka hadlay arrin dhex martay isaga iyo tababaraha halyeeyga ah ee kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson isaga oo sidoo kale kaftan ka sameeyay.

Xiddigii hore ee ciyaarta UFC-da ayaa joogay gegida Old Trafford Sabtidii kulankii ay bar-bardhaca 1-1 ka ah galeen Man United iyo Everton isaga oo u tagay si uu taageero u siiyo saaxiibkiisa dhaw ee Cristiano Ronaldo oo kulankaas keydka ku bilawday.

Khabib ayaa lagu sawiray isaga oo la taagan lana sheekaysanaya Sir Alex Ferguson, halyeeyga Man United ee Patrice Evra iyo orodyahanka caanka ah ee Usain Bolt oo isaguna taageere weyn u ah United.

33 sano jirkaas oo la hadlay RT ayaa sheegay in koob khamri ah oo uu Ferguson usoo bandhigay uu si ixtiraam leh uga diiday isaga oo u sheegay inuu yahay qof muslim ah oo aysan diintiisu u ogolayn.

Dhinaca kale xiddiga Ruushka ah ayaa ku kaftamay inuu u sheegay in haddii uu Khamir cabo uu dhammaantood garaaci doono oo uu layn doono.

“Waxay noqotay inaan isaga (Ferguson) u sharaxo, waxa jira laba arrimood: waxaad noqon kartaa mid toos u hadla waxaanad odhan karta Maya, Maya, Maya, Muslim ayaan ahay waligay ma cabin” ayuu hadalkiisa ku furay Khabib.

“Laakiin waxaan sidoo kale u sheegay, ‘Tani ma wanaagsana sababtoo ah haddii aan cabo khamri, dhammaantiin waan idin layn karaa asxaabeey, maaha fikrad wanaagsan”.