Fikadu Teferi oo ah orodyahan kasoo jeeda dalka Itoobiya islamarkaana ka qeyb-qaadanayay orodka “Stockholm Marathon” oo lagu qabtay caasimadda dalkaasi Sweden ayaa ceshan waayay matag kadib markii uu soo gaaray xarigga goosha oo uu ku guuleystay tartanka orodka uu ka qeyb-qaatay.

Taageerayaasha Fikadu Teferi ee fadhiyay garoonka ayaa fajacay kadib markii ay arkeen halyeeygooda oo matag ka wareegaya.

” – Mar-alle iyo markii uu soo gaaray goosha ee madaxa loo galiyay garaan-garta hambalyada ayaa waxaa uu orodyahanka cehsan kari waayay cunadii calooshiisa ku jitay, sidaasna uu ku sii daayay”, sidaa waxaa yiri mid ka mid ah taageerayaasha Fikadu Teferi.

Teferi ayaa si dirqi ah uga guuleystay orodyahanka reer kenya ee James Kiplagat.

Sidoo kale tartankan orodka ee “Stockholm Marathon” ayaa waxaa sidoo kale dhanka dumarka ku guuleysatay haweeney itoobiyaan ah taas oo lagu magacaabo  Atalel Anmut.