Saynisyahankii nukliyeerka ee Pakistan, Dr Abdul Qadeer Khan, ayaa saaka arroortii geeriyooday, wuxuuna ahaa 85 sano jir.

Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan Pervez Khattak ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray warka geerida saynisyahanka isla markaana geeridiisa ku tilmaamay inay murugo weyn u tahay Pakistan.

Khattak ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Pakistan mar walba way xushmeyn doontaa shaqada uu Dr. Khan u qabtay dalka. Waddanka mar walba abaal buu Khan uga hayaa xoojinta awooddeeda difaaca.

Sida laga soo xigtay Radio Pakistan, Dr Qadeer Khan ayaa la geeyay isbitaal, kaddib markii ay xaaladdiisa caafimaad ka sii dartay.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa qoraal uu Twitter-ka soo dhigay sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Dr. Qadeer Khan.

Qoraalkiisa, ayuu Imran Khan ku yiri: “Geerida Dr Abdul Qadeer Khan waa mid aad murugo u leh. Dadka aad bey u jeclaayeen sababo la xiriira doorka muhiimka ah ee uu ku lahaa quwadda nukliyeerka Pakistan. Tan waxay Pakistan ka difaacday dalka deriska la ah ee nukliyeerka ku hubeysan. Wuxuu dadka Pakistan u ahaa dhiirrigeliye.

Wasiirka Warfaafinta Pakistan Chaudhry Fawad Hussain, ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Dr. Qadeer Khan. Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka, ayuu Chaudhary Fawad Hussain ku yiri, “Dalka oo dhan waxaa naxdin ku noqotay geerida Dr. Qadeer Khan. Waxa uu dalku u qabtay wax loo dhigo ma laha.