Home Wararka Maanta Agaasimaha Sirdoonka Dalka Turkiga oo Muqdisho Soo Gaaray Kadib laba Sanoo ooo….

Agaasimaha Sirdoonka Dalka Turkiga oo Muqdisho Soo Gaaray Kadib laba Sanoo ooo….

0

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga Ibrahim Kalin ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Waxaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda dalka iyo Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Safarkiisa ayaa wuxuu daaran yahay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay qeyb ka tahay la dagaalanka Argagixisada, oo uu Turkiga si weyn ugu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Booqashada ee gaasimaha Sirdoonka dalka Turkiga Ibrahim Kalin uu maanta Muqdisho ku yimid waxay caddeeyneeysaa inuu dib u billowday xiriirkii iyo wada shaqeeyntii ay sirdoonnada caalamka la lahaayeen dalkeenna oo go’naa labadii sano ee la soo dhaafay.

Turkigu waxay xiriirkii wada shaqeeyn ee sirdoonkeenna joojiyeen markii uu dhacay shirqoolkii sirdoonku ku dileen Jeneral Qaroole kadibna isla ninkii dilay uu qaatay dhammaan qorshihii dagaalka ee diyaaradaha dagaal ee Beyraqdaar oo turkigu leeyahay kadibna uu Alshabaab dib ula midoobay.

Previous articleTaliye Shub “Wasarada Cadaalada waan idin ogolnahay in wixii aan keenay aad isku sawirtaan balse hana gaarsiinina isku sawiri maysaan in aan idin dhahno”
Next articleWar Deg Deg ah: Ciidamada Macawislayda Mudug oo Sarkaal Sare oo Alshabaab ah Gacanta Kusoo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here