Home Wararka Maanta Alsabaab iyo Qaraxyo ay Wateen oo Muqdisho lagu Qabtay(Sawiro)

Alsabaab iyo Qaraxyo ay Wateen oo Muqdisho lagu Qabtay(Sawiro)

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu qabtay laba nin oo doonayay inay falal ammaan darri ka gaystaan gudaha caasimada.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay si gaar ah ugu howlayeen diyaarinta qaraxyo lagu qabtay, xilli ay gacanta ku dhigayeen ciidamada ammaank ee dowladda Soomaaliya.

“Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada Dhagar-qabe ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay’adda Nabad-sugidda ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay si wadi doonto howlgallada ka socda Muqdisho.

“Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa saacad kasta u taagan sugidda amniga magaalada iyagoo wada shaqayn buuxda ka helaya muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lasii raaciyay.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa alaabo weeraro iyo dilal ka fulisa gudaha caasimada, waxaana ugu dambeeyay weerarkii tooska ahaa ee dhowaan ku qaaday hoteelka caanka ah ee SYL.

Previous articleBeesha Caalamka oo War lama Filaan ah Kasoo Saartay Wax ka Badalkii Dastuurka lagu Sameeyeyb
Next articleQoor Qoor iyo Xasan shiikh oo Maantay Gaaraya Furimaha Dagaalka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here