Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaadat Xerada Ciidamada ATMIs ee Janaale

Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaadat Xerada Ciidamada ATMIs ee Janaale

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada howlgalka ATMIS uu ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan deegaanka Janaale.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin halkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Labada dhinac ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkan iyo dagaalka xigay, wuxuuna mid kasta ka sheegtay guullo waa wayn.

Taliska ATMIS oo si kooban uga hadlay dagaalka Janaale ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, ayna jabiyeen xubnaha Al-Shabaab ee kusoo duulay.

Sidoo kale ATMIS ayaa intaasi kusii dartay inay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiisay kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkan ay ku gubtay gaadiid, sidoo kalena ay khasaare ku gaarsiiysay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada ATMIS iyo Al-Shabaab, waxaase goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gobollada dalka.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ATMIS, gaar ahaan ciidanka Uganda wuxuu ahaa mid Buulo-mareer oo ugu yaraan 56 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Previous articleAjaanib Ka Tirsanayd Alshabaab oo Baxsad ahaa oo Lagu Qabtay Galmudug
Next articleWarrar kii ugu dambeeyay ee xiisadda iyo colaadda ka aloosan Bariga Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here