Maamul goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan soo saaray amar ku socda shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka howlgala, kuwaa oo la farayay in aysan ka degi karin deegaanka Raaskanbooni ayna halkaasi geyn karin ciidamo iyo saanad milatari.
Amarka kasoo baxay maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaana ilaa hadda shaqeyn, waxaana maanta kaliya deegaanka Raaskanbooni gaaray dhowr diyaaradood oo wada ciidamo iyo sidoo kale saanad ciidan .
Diyaaradaha ka degay deegaanka Raaskanbooni ayaa ah diyaarado ay leeyihiin shirkado Soomaaliyeed oo dalka ka howlgala, waxaana diyaaraaha kireestay oo ciidanka iyo agbakaba ku qaadanaya dowladda Soomaaliya.
Sida aan xogta ku helnay diyaaradaha maanta ka degay deegaanka Raaskanbooni ayaa waday saanad iyo agabyo ay kamid yihiin internetka iyo isgaarsiinta, maadaama maamulka Jubbaland uu jaray adeegii isgaarsiinta ee deegaannadaasi ka jiray.
Maamul goboleedka Jubbaland ayaana la ogeyn tallaabada uu ka qaadi doono shirkadaha diyaaradaha ee jabiyay amarkooda, waxa ayna tallaabadan muujineysaa in dowladda wali awood u leedahay in deegaannada Jubbaland ciidamo kusii daabusho.