Home Wararka Maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta si toos ah usoo faro-geliyay fadeexadda wayn...

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta si toos ah usoo faro-geliyay fadeexadda wayn ee hareysay Ciidanka Danab

0

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si toos ah usoo faro-geliyay fadeexadda wayn ee hareysay taliska Danab, kadib markii la musuqmaasuqay raashinkii ciidankaasi, taa oo keentay in Mareykanku jaro taageeradiisa.

Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay arrinta dhacday oo ay qiraal ka sameysay wasaaradda gaashaandhigga, oo iyadu shaacisay in saraakiil sare loo xiray falkaasi.

Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in ay cadahay in la leexsaday raashinkii ciidanka, loona maamulay si ka baxsan nidaamka dowladnimda.

“Waxaa cadaatay in garaamkii loogu tala galay la musuqu-maasuqay, loona maamulay si baalmarsan nidaamka haykalnimada dowladnimada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Guddiga oo toos ugu diray warqaddan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga dalbaday in muddo 7 cisho looga soo jawaabay qoraalkan, si loo cadeeyo arrinta dhacday.

“Yaa ka mas’uul ah musuqmaasuqa sababay in la jaro taageeradii ciidanka Danab ee Mareykanku bixinaayay? ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn guddiga difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalbaday in lala soo socodsiiyo natiijada baaritaanka socda iyo magacyada saraakiisha ku eedeysan falkaasi.

Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay hadal hayn xoogan iyo tallaabo deg-deg ah oo uu qaaday Mareykanka oo isla markiiba ku dhawaaqay inuu hakiyay taageeradii ciidanka Danab.

Previous articleHaweeney caan ka aheyd Tiktok oo la dilay Xili ay Gaarigeeda ku Dhex jirtay
Next articleSoomaaliland oo Saraakiil Sar sare u dirtay Itoobiya Xili ay Weerar isku Diyaarinayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here