Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo siyaasiyiintii ka qayb qaatay dagaalkii ka dhacay magaalada Garowe 20-kii Juun 2023, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof oo intooda badan ahaa shacab.
Dagaalkaas oo ka dhashay muran siyaasadeed oo la xiriiray furista dastuurka Puntland si wax looga beddelo, ayaa sababay isku dhacyo culus oo dhex maray ciidamada ammaanka iyo ciidamo dowladeed balse taageersanaa siyaasiyiin mucaarad ah.
Xildhibaanada oo ka hadlay Kalfadhigga 56-aad ee Golaha Baarlamaanka ayaa dalbaday in la hor keeno caddaaladda siyaasiyiinta lagu eedeeyay abaabulka colaadda, si ay u qaataan masuuliyadda dhimashada, burburka hantida, iyo barakaca ka dhashay dagaalkaas.
“Waxaa laga joogaa labo sano dagaalkii dhacay, welina ma muuqato cid loo xilsaaray magdhowga shacabka waxyeelladu ka soo gaartay, waana arrin u baahan xisaabtan dhab ah,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah xildhibaanada.
Baaqan ayaa imaanaya kadib markii Wasiirka Deegaanka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii hubeysnaa ee mucaaradka waqtigaas, uu dhawaan sheegay in dagaalkii la xaliyay isla markaana ay bixiyeen raalli gelin ku aaddan wixii dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada ayaa ku eedeeyay dowladda iyo mucaaradka inay weli ka gaabsanayaan masuuliyadda tooska ah ee dagaalkaas, iyagoo sheegay in shacabka ay u baahan yihiin caddaalad iyo magdhow.