Home Wararka Maanta Banaan-bax ka socda Suuqa Bakaaraha oo Sababtay Xiritaanka Ganacsiga Suuqaasi

Banaan-bax ka socda Suuqa Bakaaraha oo Sababtay Xiritaanka Ganacsiga Suuqaasi

0

Waxaa maalintii labaad xiran inta badan ganacsigii ka jiray suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, kaddib markii dowladda Soomaaliya shalay magaalada Muqdisho ka hirgalisay canshuurta iibka ee laga qaadayo dadka kunool caasimadda iyo magaalooyin kale.

Ganacsatada ayaa saakay gudaha suuqa Bakaaraha isugu yimid, waxa ayna goordaw bilaabeen bannaanbax ay ku muuinayaan cabashadooda, iyagoona dibadbax ka dhigaya qeybo kamid ah suuqa gaar ahaan isgoosyada Howlwadaag iyo Bakaaraha.

Dibadbaxa ay dhigayaan ganacsatada ayey ku muujinayaan canshuuraha xad-dhaafka ah ee maalin kasta lagu soo rogayo, waxa ayna sheegeen ganacsatada qaarkood oo hadlay in canshuuro kala duwan oo magacyo kala gaar ah loo bixiyay meel kasta looga qaado.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayey ugu baaqayeen ganacsatada dibadbaxa dhigayay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatadaba loo dhimriyo xilligan adag, waxa ayna sheegeen in ay ku adagtahay canshuuraha tirada badan ee lagu soo rogay bixintooda.

Xirnaashaha suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa saameyn badan ku yeeshay dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee caasimadda iyo qeybo kamid ah dalka ka jiray, waxaana maalintii labaad shaqo la’aan ah da badan oo noloshooda ku xirneed ganacsiga ka jira suuqa Bakaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here