Home Wararka Caalamka Barta Tiktok oo laga Xirayo Mareykanka Xili la diiday Codsiga Trump

Barta Tiktok oo laga Xirayo Mareykanka Xili la diiday Codsiga Trump

0
Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa ka dhawaajisay inay diiddi doonaan codsi uga yimid madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump si looga hortago mamnuucida barta bulshada ee loo yaqaan  TikTok.

Shirkadda Tiktok ayaa horey loogu sheegay in la xiri doono haddii aysan iibin shirkadda ByteDance ee iska leh bartan ugu dambeyn maalinta Axadde ee 19 bishan Jannaayo,2025, hasa ahaatee shirkadda ayaa iska diiday in ay iibiso waxa ayna ku adkeysatay mowqifkeedii hore ee ahaan in aysan iibin doonin.

Madaxweyne Trump ayaa uga mahadceliyay TikTok inay door weyn ka qaadatay ololihiisa doorashada uu ku guuleystay markii laga mamnuucay baraha kale, waxa uuna hadda iskudayaya dadaalna ku bixinayaa in la joojiyo go’aanka looga mamnuucayo gudaha Mareykanka , taasi uma muuqato inuu ku guuleysan karo , iyadoo ugu dambeyn Axadda toddobaadka dambe laga saari doono barta TikTok dhammaan adeegyada telefoonnada oo App Store ku jiro ee gudaha Mareykanka.

Isla Trump , ayaa ah qofka furay faylka dacwada ka dhanka ah Tiktok muddo xileedkiisii hore, isagoo ku eedeyay shabakad la shaqeysa sirdoonka Shiinaha, wixii intaa ka dambeeyay shirkadda Shiinaha ee iska leh bartan ayaa lagu cadaadiyay inay ka iibiyo shirkad ama qof Mareykan ah si ay uga dhex shaqeyso gudaha Mareykanka, taa oo ay diidday shirkadda ByteDance.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here