Oslo – Booliiska Oslo ayaa sheegay in dambiyada ay dhallinyaradu geystaan ay si weyn hoos ugu dhaceen sannadka 2026, sida lagu sheegay warbixin ay booliisku soo saareen.
Tirooyinka laga diiwaangeliyey saddexdii bilood ee ugu horreeyey ilaa dhammaadka rubuca saddexaad ee sannadka ayaa muujinaya hoos u dhac muuqda oo ku yimid dambiyada dhallinyarada.
Waxaa la diiwaangeliyey 1,979 kiis oo booliis ah kuwaas oo ay ku lug lahaayeen hal ama in ka badan oo looga shakisan yahay dembi, da’dooduna u dhexeyso 10 ilaa 17 sano.
Tani waxay ka dhigan tahay:
Hoos u dhac dhan 12% marka la barbar dhigo isla muddadii sannadkii hore.
Hoos u dhac dhan 20% marka la barbar dhigo celceliska saddexdii sano ee ugu dambeysay.
Frode Larsen, oo madax ka ah waaxda sirdoonka iyo baarista dambiyada ee booliiska Oslo, ayaa sheegay:
Xogtu waxay muujinaysaa in dambiyada dhallinyarada ay si cad hoos ugu dhacayaan sannadka 2026. Taas macnaheedu waa in dhallinyaro tiro yar ay la kulmayaan falal dembiyeed saameyn joogto ah ku reebi kara noloshooda.”








