Home Wararka Somaliya Somaliland Boorama ee oo lagu toogtay mid kamid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland

Boorama ee oo lagu toogtay mid kamid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland

0

Waxaa maanta magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal lagu toogtay mid kamid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal.

Ganacsade lagu magacaabo Muuse Caamir oo kamid ah ganacsatada magaalada Boorama ayaa waxa toogtay mid kamid ah shaqaalihiisa, waxaana soo gaadhay dhaawac.

Mudug24 oo u kuurgashay xaaladda caafimaad ee ganacsadaha ayaa ogaatay in uusan qabin dhaawac culus, kaasi oo naloo xaqiijiyay inuu ku kooban yahay jiidhka, islamarkaana uu mid fudud.

Ganacsadahan ayaa hadda xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibaya isbitaalka Adal International ee magaalada Boorama.

Ninka toogashada gaystay ayaa waxa la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaaalaha goobaha ganacsi ee uu Xaaji Muuse Camir Kaahin kulahaa magaalada Boorama.

Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa toogashadan, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay is af-dhaafeen ganacsadaha iyo ninka shaqaalihiisa ahaa.

Si kastaba, waxaa bilowday baaritaanno la xiriira kiiskan, ayada oo ay hadda gacanta ku hayaan laamaha ammaanka gobolka, gaar ahaan qeybta CID-da.

Previous articleCiidamada Dowlada oo Dilay Sarkaal sare oo Alshabaab ka Tirsanaa
Next articleQoor Qoor oo Galabtay si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Caabudwaaq ogoow Ujeedada(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here