Home Wararka Maanta Caalamka: Tirada Dhimashada ee Shacabka Qaza oo mareysa 30,000 Qof

Caalamka: Tirada Dhimashada ee Shacabka Qaza oo mareysa 30,000 Qof

0

In ka badan 30,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa hadda lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Tiradaasi waxay u dhigantaa ilaa 1.3% ee 2.3 milyan ee dadweynaha dhulkaas.

Wasaarada ayaa sheegtay in dadka la dilay ay u badnaayeen haween iyo caruur.

Tirakoobkeedu ma kala soocna rayidka iyo dagaalyahannada marka la aqoonsanayo kuwa la dilay.

Warbixinteeda maalinlaha ah ee Khamiista, wasaaraddu waxay sheegtay in 81 qof la dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 30,035.

Previous articleSweden oo Musaafurin ku xukuntay 15 Sano jir Dil geestay
Next articleEhelada Abukar oo Dhawaan Afduub iyo Dil loo Gaystay Oo Hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here