Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cidamada Macawislayda Beesha Xawaadle oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab

Cidamada Macawislayda Beesha Xawaadle oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in in gelinkii dambe ee shalay ay gobolkaas isku fara saareen ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay aagga Buuloburde.

Ciidamada deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Wareertire oo u dhaxeeya degmada Buuloburde iyo deegaanka Halgan oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Weerarka kadib ayaa waxaa meesha ka dhacay dagaal qaatay ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sarkaal u hadlay Macawiisleyda deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay Al-Shabaab ka dileenm 5 xubnood, iyaguna uu ka dhintay hal ruux.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan halgankooda xoreynta gobolka Hiiraan oo ah halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guusha ka sheegatay Macawiisleyda.

Weerarkan waxaa ka horreeyay duqeyn habeen kahor ka dhacday isla agagaarka degmada Buuloburde, halkaas oo lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Israa’iil oo qaadeysa Weerar aargudasho ah iyo Wasiiradda Dagaalka oo go’aan gaarayFaahfaahin Israa’iil oo qaadeysa Weerar aargudasho ah iyo Wasiiradda Dagaalka oo go’aan gaaray
Next articleSidee buu u dhacay shilkii uu ku dhintay Abshir Gaarane? Markuu dhimanaayay waa dul taagnaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here