Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka Oo Baadi Goob Xoogan ugu jira Ragii Dilay Aadan Biid

Ciidamada Amaanka Oo Baadi Goob Xoogan ugu jira Ragii Dilay Aadan Biid

0

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu baadi goobayeen kooxiii ka dambeeyay dilka Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Booliska.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo ku hubeysan bistoolad, xilli uu ku sugnaa agagaarka iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday raggii dilay.

Booliska oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa sameeyay howlgal, balse waxa uu ku fashilmay inuu soo qabto dambiilayaasha dilka u gaystay marxuumka.

Aadan Biit oo muddo kasoo tirsanaa Booliska Soomaaliya ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa maqaaxi ku taalla agagaarka isgoyska Dalsan, halkaas oo ah goob si weyn loo ilaaliyo.

Dilkan oo u muuqda mid si aad ah loo qorsheeyay ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn xoogan, waxaana la is waydiiyanaa sida ay ku suuragashay in marxuumka lagu dilo goobtaas oo ay afarta dhinac ka jiraan ciidamo ku sugan kontaroolo ku yaalla halkaasi.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay dhacdadan, sida madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida sarkaalka lagu dilay magaalada Muqdisho.

Previous articleMaxay tahay cabsida iyo walaaca la soo gudboonaaday madaxda Israel?
Next articleMagaalada Mareykanka ku taalla ee marka aad tagto dareemeyso inaad joogto dal Muslim ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here