Home Wararka Maanta Ciidanka Dowlada oo dilay Sarkaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Ciidanka Dowlada oo dilay Sarkaal ka tirsan Kooxda Shabaab

0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Al Shabaab waxa ay ka sameeyeen deegaanno dhaca galbeed gobolka Shabeellaha Dhexe,halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno katirsanaa Al Shabaab.

Howlgalka ciidamada huwanta ah fuliyeen ayaa wararku sheegayaan in lagu dilay dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo doonayay dhankooda in ay dhibaatooyin geestaan.

Sargaal katirsan ciidanka macawiiskeyda degaanka ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen seddax kamid ah kooxda Al Shabaab oo uu ku jiray horjoogihii hoggaaminay,waxana uu intaa ku daray in howlgallada ay sii socon doonaa inta Al Shabaab laga sifeeynayo degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan ee dhaca galbeedka shabeellaha dhexe.

Ciidamada dowldda iyo kuwa degaanka ayaa maal mahaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ka waday qeyba badan oo kamid ah gobolada dalka, waxaana howlgalladaasi qaarkood Al Shabaab lagu gaarsiiyay jab xooggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here