Home Wararka Maanta Dagaal Laga Cabsi Qabo inuu Beri ka Qarxo Dabdamiska

Dagaal Laga Cabsi Qabo inuu Beri ka Qarxo Dabdamiska

0

Ciidanka Booliska Somalia ayaa digniin kama dambeys ah siiyey shacabka degan xerada dab damiska ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay dhamaatay mudadii loo qabtay iney halkaas uga guuraan oo ku eg 20ka bishan oo ku beegan beri oo Sabti ah.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska ayaa lagu wargeliyey dadkaas iney baneeyaan dhulkaas si loogu adeego shacabka.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Wuxuu Mar Sedaxaad Ku wargilinayaa Dadka Degan Xerada Dabdamiska Boliiska Soomaaliyeed in uu dhamaadey Wakhtigii loo qabtey in ay ku baneeyaan, Hadaba Qofkasta oo degan Xeradaas Waxaan Ku Wargilinaynaa in ay Muqadas Tahay Baneynta Xerada Dabdamiska Maalinta ay Taariikhda Tahay 20 April 2024 Si loo dhiso xarunta dabdamiska Boliiska Soomaliyeed Bulshadana ay u hesho Xarun Dabdamis oo Buuxisa baahida hada jirta’ ayaa lagu yiri qoraalka.

Shacabka degan dhulkaas ayaa ku gacan seyray iney ka guuraan iyagoo ku andacoonaya iney halkaas degenaayeen muddo ka badan 30 sano, aysana garaneyn meel kale oo ay gaadaan, iyadoo qaar ka mid ah dadkaas la arkayey iyagoo baraha bulshada ka aflagaadeynaya madaxda Qaranka.

Previous articleIsrail oo Weerar Aar gudasho ah ku Qaaday Iiraan
Next articleCiidanka Danab oo dilay xubno ka tirsan Al shabaab, nololna ku soo qabtay kuwo kale (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here