Home Wararka Maanta Dagaal xoogan oo maanta Markale ka dhacay Dowlad Deegaanka Somalida

Dagaal xoogan oo maanta Markale ka dhacay Dowlad Deegaanka Somalida

0
Wararka ka imaanaya magaalada Dacawaley ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in saaka uu mar kale dagaal culus ka bilowday magaalada Dacawaley, dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida iyo dadka deegaanka.
Dagaalkan oo bilowday 6dii subaxnimo ee saaka ayaa waxa uu ka bilowday magaalada Dacawaley iyo magaalooyinka oo katirsan degmada Xarshin ee Dowlad Degaanka Soomaalida, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka saaka dib uga billowday degaanka Dacawaley uu aad uga culus yahay dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka socday aagaas.
Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ilaa hadda ka dhashay dagaalkan maanta.
Dhinaca kale waxaa lasoo sheegayaa oo ilo madax banaan ay soo sheegayaan in la xidhay guud ahaan xuduudka uu degaanka Soomaalidu la wadaago Somaliland, gaar ahaan aagaga uu maanta dagaalku ka socdo, waxaa xuduuda saaka xidhay Ciidanka Militariga Itoobiya oo kaashanaya kuwa Dowlad Degaanka Soomaalida, sababta loo xidhay ayaa lagu sheegay si aysan gurmad dibadda ah u helin dadka deegaanka ee ku sugan gudaha Dacawaley oo kasoo jeeda Somaliland.
Dagaallada saaka dib uga qarxay magaalada Dacawaley ayaa kusoo aadaya xilli maalmihi lasoo dhaafay ay degganayd xaaladda Dacawaley, inkastoo ay labada dhinac is horfadhiyeen dhowr jeer oo la isku dayay in xal laga gaaro colaadana lagu guulaysan waayay, ayaa mar kale saaka dib dagaalkani uga qarxay Dacawaley iyo magaalooyin dhowr ah oo ku teedsan dhinaca xuduuda uu degaanku la wadaago Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here