Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal xooggan uu ka qarxay gudaha magaalada oo shacabka ay ku waabariisteen daryanka rasaasta xoogan, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.
Dagaalkaas ayaa u dhaxeeya Ciidamo shalay la wareegay Xarunta Baardheere kuwaas oo sheegay in ay taageersanyihiin Jubbaland iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, Dagaalka ayaa si toos ah uga socda Xarunta Maamulka Baardheere, waxaana la isku adeegsanayaa hubka culus.
Waxaa jira Khasaare nafeed oo kala soo gaaray labada dhinac ee dagaalamaya iyo kuwa dad Shacab ah soo gaaray sida aynu wararka ku heleeyno.
Xaaladdaan Jahwareerka ah iyo dagaalka ayaa dadka deegaanka sheegeen in ay filanayeen mar haddii Maamulka taabacsanaa dowladda Soomaaliya ay iskaga baxeen shalay Magaaladaas kuwaas oo dagaalka Saakay soo qaaday.
Gobolka Gedo ayaa loolan adag waxa uu ku dhexmarayaa Dowladda federaalka iyo Jubbaland hayeeshee degmooyinka qaar oo ay Dowladda gacanta ku hayso ayaa la doonayaaa in laga qabto doorasho qof iyo cod ah.