Home Wararka Caalamka Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

0
A man inspects damage as he walks through the rubble by a destroyed car outside a house that was hit by an artillery shell in the Azhari district in the south of Khartoum on June 6, 2023. The United States and Saudi Arabia on June 4 made a renewed push for truce talks between Sudan's warring generals as deadly fighting has raged into its eighth week. Multiple ceasefires have been agreed and broken, and Washington slapped sanctions on the two warring generals last week, blaming both sides for the "appalling"

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF, kuwaa oo hadda u muuqda kuwa sii jabaya.

Dagaal culus oo ay barbar socdaan duqeymo cir iyo dhul ayey milatariga Sudaan ku qaadeen xeryaha iyo goobaha ay magaalada Khartuum ka joogaan ciidanka RSF, waxa ay sidoo kale milatariga go’doomiyeen ciidamada RSF ee ku sugan qeybo kamid ah caasimadda Sudan.

Ciidanka milatariga Suudaan , ayaa la warinataa in ay hadda ku ku dhow yihiin in ay xoog ku galaan dhismaha madaxtooyadda Suudaan oo ah saldhigga ugu muhiimsan ee kooxda RSF ay ku lahayd caasimadda Suudaan ee Khartuum .

Weerarkan xalay bilowday ee  milatariga Sudan ku qaadeen kooxda RSF ayaa u muuqda mid lagu  cirib-tirayo loogana takhalusayo xubin kasta oo ka tirsan RSF, sababtoo ah milatariga Suudaan waxay ka hortagayaan iskuday kasta oo ciidanka RSF ay uga bixi karaan Khartuum.

Milatariga Sudan oo taageero dhinacyo badan ka helaya ayaa la wareegay qeybo badan oo kamid ah dalka Sudan, waxaana hadda sii jabaya oo deegaanno badan gacantooda laga saaray kooxda RSF oo lumisay taageero ay dhinacyo kala duwan ka heli jireen.