Home Wararka Maanta Dowlada Iran oo Rakibatay Nidaamka Difaaca ee Casriga’ Ruushka oo ka Caawiyay

Dowlada Iran oo Rakibatay Nidaamka Difaaca ee Casriga’ Ruushka oo ka Caawiyay

0

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA, ayaa ku warrantay in nidaamka difaaca cirka lagu qalabeeyay aaggaga muhiimka ah ee guud ahaan Iran , tallaabadan oo ay ku sheegeen mid looga hortagayo iskuday kasta oo lagu weeraro

Nidaamkan difaaca oo ah mid casri ah ayaa waxaa Iran ugu deeqay Ruushka oo ku xumeynaya dalalka reer galbeedka, isagoo kaga aargudanaya taageerada ay siiyaan Ukraine.

Ku-simaha Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Ali Bagheri ayaa maanta hadal uu ka jeediyay kulan ay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku yeesheen 57 dal ee xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka (OIC)

Wuxuu ka sheegay inaysan Iran heysan dookh kale oo aan ahayn inay ka jawaabto weerarkii lagu dilay madaxii siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh ee ka dhacay Tehran.

Warsaxaafadeed kulanka laga soo saaray, ayaa sidoo kale lagu sheegay in ururka Iskaashiga Islaamka OIC uu si dhammeystiran u sheegayo dilka Haniyeh inay mas’uul ka tahay Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa weerar xad-gudub ku ah madax bannaanida Iran.

Dhinaca kale, Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa soo bandhigtay inay Israa’iil bilowday inay dhisto bakhaaro dhulka hoostiisa ku yaalla oo lagu kaydinayo dhiigo iyo agabka kale ee caafimaad, tallaabo qeyb ka ah diyaar garowga guud ee ay Israa’iil ay ku jirto , si ay uga gaashaamato weerarrada Iran, Xisbullah iyo kooxaha kale ee gobolka oo la filayo inay ka jawaabaan dilka madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh ee Tehran ka dhacay Arbacadii toddobaadkii hore.

Isbitaallada iyo xarumaha kale ee caafimaadka Israa’iil , waxay ka guureen dhammeen goobihii kaydka ee weerarrada ay gaarsiin karan gubasho, bakhaarada dhulka hoostiisa ah ee la dhisay ayaa la sheegay in loo diyaariyay hannaan adag oo iska difaaci kara weerarrada, sida lagu sheegay warbixinta Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here