Home Wararka Caalamka Dowlada Israel oo dab qabadsiiyay masjid ku yaalla Daanta Galbeed

Dowlada Israel oo dab qabadsiiyay masjid ku yaalla Daanta Galbeed

0

Dadka Israa’iiliyiinta ah ayaa dab qabadsiiyay masjid ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto, iyaga oo sidoo kale wejiga dhismaha ku qoray erayo nacayb iyo cunsuriyad xambaarsan sida “Aargoosi” iyo “Xasuuqa Carabta” oo lagu buufiyay luqadda Cibraaniga.

Abdallah Kamil, oo ah gudoomiyaha gobolka Salfit, ayaa sheegay Jimcihii in weerarka lala beegsaday masaajidka Bar al-Walidain ee tuulada Marda.

Nasfat al-Khufash, oo ah madaxa golaha deegaanka Marda, ayaa sidoo kale xaqiijiyay “Weerarka Argagaxiso”, wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters.

Rabshadaha dhulka sida sharci darrada ah loo haysto ee Daanta Galbeed ayaa sii xoogaystay tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. Laga bilaabo Oktoobar 2024, waxaa Daanta Galbeed ka dhacay ugu yaraan 1,400 weerar.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, ugu yaraan 803 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here