Home Wararka Maanta Dowlada Israel oo Maanta Ceyrisay 8 Dublamaasi oo Reer Galbeed ah

Dowlada Israel oo Maanta Ceyrisay 8 Dublamaasi oo Reer Galbeed ah

0

Israa’iil ayaa maanta maqaamkii diblomaasiyadeed kala noqotay 8 diblomaasi oo Norway u dhashay, kuwaaso ka shaqeynayay dhulka Falastiiniyiinta ee la heysto ee Qudus, waxaana loo qabtay toddobaad maalin inay uga baxaan Qudus.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway oo tallaabadan ka jawaabaysa, ayaa u yeertay Safiirka Israa’iil u fadhiya Oslo, si ay wax uga waydiiso kala noqoshada maqaamka diblomaasiyiinteeda.

Israa’iil ayaa tallaabadan u qaaday , sababtoo ah waxaa ay ka caroodeen ololihii Norway ay horkacaysay ee dalal Yurub ah ay ku aqoonsadeen dawladda Falastiin.

Dhinaca kale, Safiirada Maraykanka iyo kuwa kale ee reer galbeedka u fadhiya Japan ayaa diidday inay ka qeybgalaan xafladda sannad la ah taasoo lagu xusayo maalintii uu Mareykanka ku riday bamka Atomikada magaalada Nagasaki, kaddib markii loo diidday in munaasabadaa uu ka qeybgalo  Safiirka Israa’iil, sababtoo ah waxay Israa’iil xasuuq ka geysanaysa Qasa, si la mid ah xafladan laguma casuumin safiirada Ruushka iyo Belarus, oo duulaankooda Ukraine dartii iyagana laga mamnuucay inay goobjoog u ahaadaan xuskan.

Balse, Mareykanka iyo dalalka reer galbeedka ayaa ku xiray si ay uga qeybgalaan munaasabadan in safiirka Israa’iil loo diro casuumaada, taasoo ay diiddeen markii dambe maamulka magaalada Nagasaki.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here