Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo Lacag u Qeybisay Dadkii Wax ku Noqday Weerarkii Liido

Dowlada Somaliya oo Lacag u Qeybisay Dadkii Wax ku Noqday Weerarkii Liido

0

Guddoomiyaha guddiga gurmadka qaraxi ka dhacay xeebta Liido, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa shir guddoomiyay kulan uu guddigu yeeshay , waxaana kulanka goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha guddoomiyaha hay’adda SodMa .

Kulanka oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, ayaa la isku af-gartay In ugu danbeyn dhammaadka bisha October la daah-furo xarunta daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg degga ah ee dhismaheedu ka socdo gudaha isbitaal Madiina.

Guddigaan ayaa sidoo kale 41 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagaxiso ee billawgii bishaan ka dhacay xeebta Liido ku wajeejiyay min kun doolar ($1000), halka uu sidoo kale bixiyay lacagta ay soo dallacdeen Isbitaallada la tacaalay dadka waxyeelladu gaaray.

Ugu danbeyn guddiga gurmadka qaraxii xeebta Liido ayaa ballanqaaday in la kaalmeyn doono qoysaska ay ka baxeen dadkii weerarkii Al Shabaab geesteen ku naf-waayay, marka ay xogto soo dhammeystiranto, waxa ayna hadda sheegeen in ay socdaan uruurinta xogta dadkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here