Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay inuu dib u dhigay jadwalkii doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyo sidoo kale doorashada guddoonada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in go’aanka uu yimid kaddib wada-tashi lala yeeshay ururrada siyaasadda, iyadoo la tixgeliyey codsiyo ay guddiga u gudbiyeen iyo baahida loo qabo in la dhammaystiro diyaar-garowga doorashooyinka.
Guddigu wuxuu sheegay in doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Galmudug, oo markii hore loo qorsheeyay 20-ka Luulyo, hadda loo asteeyay 25-ka Luulyo 2026, si waqti dheeraad ah loogu helo dhamaystirka hawlaha farsamo iyo maamulka doorashada.
Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in dib loo eegayo jadwalka doorashada guddoonada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, kaddib markii la qiimeeyay xaaladda diyaar-garowga iyo natiijada wada-tashiyada lala yeeshay ururrada siyaasadda. Guddigu wuxuu ururrada ugu baaqay inay si degdeg ah u soo gudbiyaan liisaska musharraxiinta si loo dardargeliyo geeddi-socodka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha laga codsaday inay dardargeliso tababarka iyo wacyigelinta xubnaha golayaasha deegaanka ee la dooranayo, si ay ugu diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda.
Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu dambeyn sheegay inuu ka go’an yahay qabashada doorashooyin xor iyo hufan, isagoo ku baaqay in dhammaan daneeyayaasha ay sii wadaan wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo geeddi-socod doorasho oo waafaqsan sharciga.








