Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

0

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Akıncı waxay ka awood badan tahay Bayraktar TB2, iyadoo xambaari karta hub culus sida gantaallada SOM iyo bambooyinka MK-82.

Tallaabadan ayaa xoojineysa iskaashiga milatari ee Turkiga iyo Soomaaliya. Waxay kaloo ku soo beegantay xilli xilka laga qaaday Wasiirkii difaaca Soomaaliya Cabdiqaadir Mohamed Nur oo ah shakhsiga isku xiri jirey Turkiga iyo Soomaaliya.

Cabdiqaadir ayaa xilka laga qaaday kadib markii Maraykanku cadaadis saaray Madaxweynaha Soomaaliya si meesha looga saaro Cabdiqaadir oo xiriir dhow la lahaa dalka Turkiga oo xiriirka uu Soomaaliya iyo Afrika la leeyahayba uu sii xoogaysanayo.

Waxay kalo tallaabadan ku soo aadaysa xilli Al-shabaab ay laba jibaartay weeraradooda iyagoo si goos goos ah u weeraraya goobo u dhow caasimadda Muqdisho iyo gobolada la deriska ah, waxaana socda dagaalo iyo howlgalo ka dhan ah kooxdaas oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo dadka hubeysan ee degaanka oo iskaashanaya.

Diyaaradaha maalmahan ka qeyb qaadanayey howlgalka ka dhanka ah Al shabaab ee Hirshabeelle waxaa laga dhex arki karaa Muuqaalka diyaarada T129 ATAK oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ay farsameeyay Turkish Aerospace Industries (TAI).

Waxay ku qalabeysan tahay gantaallo, madaafiic, iyo nidaam difaac oo horumarsan, taasoo ka dhigaysa mid awood badan oo wax burburin karta. Waxaa loo adeegsadaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga xuduudaha.

Diyaaradaan halkii xabo waxa ay qiimo ahaan joogtaa $45 Milyan ilaa $50 Milyan. Waxa lagu tiriyaa 10 diyaaradood ee ugu hormarsan diyaaradaha qumaatiga ee adduunka