Home Wararka Maanta Dowladaha Turkiga iyo Masar oo ku dhawaaqay go’an ku aadan Madaxbanaanida Somalia

Dowladaha Turkiga iyo Masar oo ku dhawaaqay go’an ku aadan Madaxbanaanida Somalia

0

Turkiga, oo ah dowlad ka tirsan isbahaysiga NATO, aadna ugu horeysa sirdoonka gobolka, iyo Masar, oo ah dalka ugu awoodda badan uguna sirdoonka fiican jaamacadda Carabta, ayaa si cad ugu dhawaaqay in ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar, Cabdelfattah Siisi, oo garab taagan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa arrintan ka sheegay shir jaraa’id oo ay wada qabteen.

“Labadan hogaamiye waxay si qoto dheer ugu baraarugsan yihiin qatarta weyn ee ku soo wajahan Soomaaliya iyo guud ahaan Soomaalida” ayaa lagu yiri bayaan ay labada dal soo saareen

Turkiga iyo Masar waxay ka digayaan in ajandayaal halis ah ay ku soo fool leeyihiin Soomaaliya, halka Soomaaliduna ay u muuqato in aysan si buuxda ugu baraarugsanayn khataraha soo socda. Si gaar ah, Masar oo khibrad dheer u leh arrimaha amniga iyo istiraatiijiyadda gobolka ayaa uga digaysa in qorshayaal lagu waxyeeleynayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya ay horay u sii socdaan iyadoo ay Ethiopia taageerayaan dhinacyo qarsoon oo awood leh.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, oo shir jaraa’id oo wadajir ah magaalada Ankara kula qabtay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in la taageero dadaallada lagu xasilinayo gobolka, isagoo tilmaamay in caqabadaha sii kordhaya ee ka jira ay sii xoojinayaan baahida loo qabo iskaashi dhexmara wadamada gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here