Home Wararka Maanta Somaliland oo War kasoo saartay Wadahadalada u Socda Somaliya iyo Turkiga

Somaliland oo War kasoo saartay Wadahadalada u Socda Somaliya iyo Turkiga

0

Maamulka Somaliland ayaa ka dhursugaya wadahadallada magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga socda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaa oo kawada hadlaya sidii xal looga gaari lahaa khilaafkii ka dhashay heshiiskii ay Itoobiya la gasnay Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba xaq iyo awood u laheyn in heshiis ka gasho dhul-badeed aysan iyadu maamulin , taas uu kala jeedo  badda iyo xeebaha gobolada waqooyi ee Somaliland.

Cali Mareyxaan ayaana caddeeyay in heshiis kasta oo dowladda Soomaaliya la gasho Itoobiya aan laga fulin karin Somaliland, waxa uuna sheegay in Somaliland aysan Soomaaliya katirsaneyn heshiisyada ay gashana Soomaaliyan aysan iyagu quseyn.

“Waa la ogyahay in Jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn Soomaaliya, hesiishyo faro badan ayey galaan qoladaa Xamar, weligeedna heshiis ay galeen kama fulin Somaliland,”ayuu yiri Wasiirka Warfafainta maamulka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in dowladda Federaalka kaliya dooneyso n ay saxiixdo heshiiskii ay horey iyagu ula galeen Itoobiya, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya aysan saxiixi karin shaqana ku laheyn dhul xeebeedka Somaliland.

Wadahaddalada Turkiga uga socdo Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la doonayaa in xal looga gaaro khilaafka labada dal u dhaxeeya, waxa ayna Itoobiya dooneysaa in ay hesho marin badeed , halka Soomaaliya ay rabto in Itoobiya la gasho heshiis ganacsi oo Itoobiya ku adeegsan karo dekadaha Soomaaliya,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here