Home Wararka Maanta Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal...

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda Soomaaliya.

War uu soo saaray Madaxweyne hore Farmaajo ayuu ugu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyada in uu tixgeliyo cabashada qoyska Sarkaalka geeriyooday iyo ehelada dhallinyarada maxaabiista ah ee wehelinaysay.

“Waxaa muhiim ah in la sameeyo baaritaan deg deg ah oo ku saabsan duruufaha uu u geeriyooday Marxuumku.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu tacsi u diray Qoyska iyo ummadda Soomaaliyeed Geerida kutimid Jeneraal Sheegow waxaana Alle uga baryay Sarkaalka in uu ku mannaysto Jannatu Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo qarankiisa.

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in Sheegow uu Beerka istaagay oo uu haleelay Cagaarshowga nooca Habitat B, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay gaar ahaan beesha uu kasoo jeedo inay isdejiyaan oo aan si xun dhimashadiisa loo fasirin.