Home Wararka Maanta Faahfaahin Aabe iyo wiilkiisa oo dil iyo dhaawac loogu gaystay Muqdisho

Faahfaahin Aabe iyo wiilkiisa oo dil iyo dhaawac loogu gaystay Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Jimcihii ka dhacay gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kadib markii hal goob dil iyo dhaawac loogu gaystay Aabe iyo wiil yar oo uu dhalay.

Falkan oo uu gaystay askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Tookiyo ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Askariga ayaa la sheegay inuu dhac ka gaysanayay halkaasi, waxaana kusoo dhacay Aabaha oo markaas xambaarsanaa canuga yar, waxaana goobta ku geeriyooday Aabihii, halka uu dhaawac halis ah uu soo gaaray ilmaha yar.

Mid kamd ah ehellada oo la hadlay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in taleefanka dartiis loo dilay marxuumka iyo inuu sheego lamabrka sirta ah ee EVC-giisa.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan aasi doonin maydka, illaa laga soo qabto eedeysanaha oo markiiba ka baxsaday.

“Sababta uu u dilay waxaa waayay inuu taleefanka ka qaato, ma duugeyno illaa ninkaas laga soo helo” ayuu yiri mid kamid ehellada marxuumka.

Waxaa kale oo uu ka warbixiyay xaaladda wiilka yar oo uu sheegay in xabadda ay ka fariisatay madaxa, isla markaana loo sheegay in aan dalka waxba looga qaban karin.

“Wiilka yar madaxa ayaa xabad uga dhacday lafta ayay dhaaftay, isbitaalkana wax waa looga qaban waayay” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale waxaa dhacdadan si deg-deg ah ugu baxay maamulka degmada iyo saraakiisha amniga, ayada oo askarigii ka dambeeyay falkaasi lasoo qabtay, si cadaaladda lo horkeeno, loona maxkamadeeyo

Muqdisho ayaa maalmihii dambe waxaa kusoo badanayay falalka argagaxa leh ee ka dhex dhacaya bulshada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan caasimada.

Previous articleXog dheeraad ah oo ku saabsan raashinka la musuq maasuqay ee Ciidanka Danab iyo sida uu u saameyn karo dagaalka al-Shabaab
Next articleWar Deg Deg ah: Alshabaab oo Goordhow La Wareegay Deegaanka Ciidciidka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here