Home Wararka Maanta Fanaankii Lagu Qasbay inuu Alshabaab ka Tirsanyahay oo Geeriyooday

Fanaankii Lagu Qasbay inuu Alshabaab ka Tirsanyahay oo Geeriyooday

0

Allaha u naxariisto  Abshir Gaarane Axmed, galabta inta uusan geeriyoon waa laga hadashiiyey, wuxuu bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu dhahayo “Safarbaan u baxayaa aan soo noqod laheyn.”

Abshir iyo wiil kale ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, wiilkaan waxaa adduunka ku dulmiyey Fahad iyo  Farmaajo oo muddo sanad ah jir-dil ugu geysanayey xabsiga Jilicow ee Muqdisho.

Waa Fanaankii ay muuqaalka qasabka ah ka duubeen isagoo dhahaya “Waxaan ahay AS, waxaan ku biiray 2013-kii, dhanka maaliyadda ayaan u qaabilsanaa,” muuqaalkaas oo dadka Soomaaliyeed aad uga nixiyey Gaarane wuxuu sheegay in lagu qasbay.

Ugu yaraan 3-sano oo lasoo dhaafay wuxuu dalbanayey cadaalad, maadaama Fahad iyo Farmaajo ku dulmiyeen magaca dowladda, ugu dambeyn maanta iyadoo aan looga gaarabin dhibaatooyinkii loo geystay oo ciilan ayuu geeriyooday.

Waxaana Shilka Gaari kula Geeriyooday iskuduwihii Wasarada Cafimadka Degmada Bardhere Mohamud Hared Hassan

Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Madaxweynaha IRAN oo war culus soo saaray kadib weerarkii ay xalay ku qaadeen Israel
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Turkiga oo xayiraad dhanka Fiisaha ah kusoo Rogay Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here