Home Wararka Maanta Gabdho Caan ka ah Baraha Bulshada ee Tiktok oo Xukun Xabsi Lagu...

Gabdho Caan ka ah Baraha Bulshada ee Tiktok oo Xukun Xabsi Lagu Riday

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kuwaas oo ku eedeysanaa kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax-xumada.

Dacwadda oo dhameysatay heerarka kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal gabdhood ayaa toddoba ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadood.

Gabdhaha xukunka xabsiga lagu riday ayaa kala ah:

Sihaam tahliil
Nashaad Nalka
Sacdiyo Galmudug
Iftin model
Anjal
Farxiyo Zoona.

Gabdhahan maanta xukunka xabsiga ah lagu riday ayaa xirnaa muddo dhowr bil ah, waxaana gabdhahan oo badankood kasoo kala jeedana labo qabiil baraha bulshada ka wadeen kicin dadweyne , iyagoona dagaalkooda ka bilowday Muqdisho annaagaa iska leh.,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here