Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada, maalmo un kadib markii ku xigeenkiisii ugu sareeyay uu iscasilay, tallaabadaasi oo argagax ku beertay, waxaana mar kale loogu baaqay Trudeau inuu iska casilo xilka madaxa xisbiga Liberal-ka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhoweeyay xubnaha Golihiisa Wasiirada cusub, kadib xaflad lagu dhaarinayey oo Jimcihii ka dhacday caasimadda Ottawa.
Waxaa ka mid ah faylalka ugu muhiimsan, Xildhibaanka David McGuinty, waxaa loo magacaabay wasiirka amniga guud ee Kanada, isaga oo kormeeraya hay’adaha fulinta sharciga federaalka.
Nathaniel Erskine-Smith, oo sidoo kale loo magacaabay, wasiirka guryeynta cusub.
Xiisadan siyaasadeed ayaa timid kadib markii wasiirka maaliyadda Kanada iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka, Chrystia Freeland, ay ku dhawaaqday Isniintii inay is casishay iyada oo ay jirto khilaaf kala dhexeeya Trudeau oo ku saabsan sida loo maareynayo suurtagalnimada “dagaal canshuureed” oo lala galo Mareykanka.
Trudeau, oo soo ahaa ra’iisul wasaare tan iyo 2015, ayaa la kulmay bilihii lasoo dhaafay cadaadis ah inuu iska casilo hoggaanka xisbiga Liberalka kahor doorashooyinka federaalka oo ay tahay in la qabto kahor dhammaadka Oktoobar.