Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Soomaaliya ayaa xalay shir deg-deg ahaa ku yeeshay xafiiska...

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Soomaaliya ayaa xalay shir deg-deg ahaa ku yeeshay xafiiska ra’iisul wasaaraha

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Soomaaliya ayaa xalay shir deg-deg ahaa ku yeeshay xafiiska ra’iisul wasaaraha, iyaga oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan dhammeystirka dastuurka KMG ah, xilli ay dood wayn ka qabaan xubnaha mucaaradka iyo laba maamul goboleed.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana inta badan goobjoog ahaa xubnaha golaha wasiirada oo si buuxda uga soo qayb-galay shirka.

Inta uu socday shirkan gaarka ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

Cutubyadan ayaa hadda la bilaabay wada-tashiyadooda, iyada oo goluhu su’aallo ka weydiiyey guddiyadu, isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib-u-eegista lagu sameynayo.

Qorshaha ayaa ah in kadib golaha wasiirada loo sii gudbiyo labasa gole ee baarlamaanka, si ay go’aan uga gaaraan, una meel-mariyaan.

Si kastaba, Villa Soomaaliya ayaa u muuqato inay dadajineyso dhameystirka dastuurka, iyada oo sidoo kale rabta inay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod ah oo weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka loo wajahayo.