Home Wararka Maanta Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya oo loo doortay Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya oo loo doortay Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan

0

Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa guddoomiye u doortay Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan, kaddib markii uu ku guuleystay codad gaaraya 53, halka musharraxii la tartamayay Cabdiqafar Maxamuud Maxamed (Dheeliye) uu helay 29 cod.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub, isaga oo sheegay in doorashadan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada iyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya danaha shacabka iyo horumarinta deegaanka.

“Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharciga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh oo warsaxaafadeed soo saaray.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey xildhibaannada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, isagoo u rajeeyay in ay ku guuleystaan hawsha doorashooyinka ka harsan iyo dhismaha dowladnimada.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ahaa wasiirkii arrimaha gudaha maamulkii hore ee SSC Khaatumo. Wuxuu degaan ahaan kasoo jeeda degaanka Aricaddeeye ee gobolka Sool.

Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan ayaa sanadkii 2023 looga guulaystay xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka SSC Khaatumo. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay siyaasi rugcaddaa ah. Waxay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Firdhiye oo uu wasiirkiisa ahaa.