Qaar ka mid ah dhallinyarada Somaliland ee aaminsan fikradda “Soomaaliweyn” ama mucaaradka ku ahaa xukuumaddii Madaxweyne Biixi, oo Xamar u baxsaday cabsi ay ka qabeen in xabsiga loo taxaabo awgeed, ayaa markale xukuumadda cusubi xabsiyada dhigtay.
Khamiistii shalay waxa xabsiga loo taxaabay Shaafici Shaaciye, oo ka mid ah dhallinyarada baraha bulshada xoog uga dhalliili jiray xukuumaddii hore ee Madaxweyne Biixi, kaasoo sannadihii u dambeeyay ku noolaa Xamar, laakiin Hargeysa ku laabtay isaga oo aaminsan in aan la xidhi doonin maaddaama oo uu taageersanaa Madaxweyne Cirro.
17 December 2024, waxa loo diiday in uu Hargeysa yimaado Libaaan Xuseen ‘Samatalis,’ oo ka mid ahaa dadka sida xooggan baraha bulshada uga taageera Madaxweynaha cusub ee Somaliland, isaga oo sheegay in waraaq ka socotay xafiiska madaxweynaha lagaga reebay diyaarada Fly Dubai, safar uu kaga yimid London.
Sidoo kale, Naciima Abwaan Qorane, oo ka mid ah dhallinyarada u ololaysa fikradda “Soomaaliweyn” oo hore fikirkeeda awgii xabsiga Gabiley loogu xidhay sannado ka hor, isla markaana sannadihii u dambeeyay ku noolayd magaalada Muqdisho, ayaa markale xabsiga loo taxaabay 31 December 2024, kadib safar ay muddo kadib ku timid Hargeysa.
Naciima oo ka mid ahayd taageerayaashii dowladdii Farmaajo, ayaa Hargeysa laga masaafuriyay kadib muddo ay xidhnayd. “Waxa laygu xidhay fikirkayga midnimada Soomaalida, laakiin si ka badan sidii hore ayaan ugu adagahay fikirkayga,” ayay Naciima ku baahisay barteeda X maalmo kadib markii Hargeysa laga masaafuriyay.
Dhallinyaradan ayaa badankooda maxkamado xukumeen iyaga oo ka maqan Somaliland, waxaana lagu eedeeyay in ay kasoo horjeedsadaan gooni isu taagga Somaliland, ama ay ku kaceen falal bulshada kala fogeeya.
Saxafiyiinta Cabdirisaaq Terra, Maxamed Yuusuf Bakayle, iyo Cabdisalan Germany, oo aaminsan fikradda Soomaaliweyn isla markaana eedo u jeedin jiray ciidamada Somaliland xilligii dagaalkii Laascaanood, ayaa dib uga joogsaday safaro la filayay in ay Hargeysa ku yimaadaan.
“Isma doorin gaalka aan diriyo, daarta kii galay,” ayuu yidhi wariye Axmed Saki oo Xamar jooga, isla markaana hore u taageeri jiray Madaxweyne Cirro. Wariye Germany oo sheegay in uu ka noqday fikirkiisii hore, ayaa isna yidhi, “Madaxweyne, na cafi.”
Dhallinyaradan oo aaminsanaa in ay Hargeysa kusoo noqon karaan haddii uu Muuse Biixi Cabdi xilka ka tago, ayaa hadda wajahaya xadhig cusub, maaddaama uu jiro xeer dhigaya in ay dambi tahay in laga hor yimaado gooni isu taagga Somaliland.