Home Wararka Maanta Hirshabeele oo Gadiid Dagaal Wata oo Gudaha Baladweyna Maantay Gashay(Sawiro)

Hirshabeele oo Gadiid Dagaal Wata oo Gudaha Baladweyna Maantay Gashay(Sawiro)

0

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu maalmo kahor xilkan u magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Muuse Salaad Wehliye oo ay galbinayaan ku dhowaad 20 gaadiidka dagaalka ah ayaa safar dhinaca dhulka ah ku galay magaaladaasi oo ay weli ka taagan xiisad xoogan.

Sidoo kale waxaa safarkiisa qayb ka ah xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan HirShabelle, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay marka ay tageen halkaasi.

Degmada Beledweyne ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal HirShabelle looga saaray magaaladan, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada taabacsan maamulka la magac baxay ‘Hiiraan State’ oo kasoo horjeeda maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Cali Guudlaawe.

Guddoomiyaha cusub ayaa la filayaa inuu dhowaan xilka kala wareego guddoomiyihii hore ee gobolka, Cabdullahi Sufurow oo xilkaas soo haayay tan iyo bishii Juun ee sanad kii hore 2023, markaas oo uu badalay Cali Jeyte Cismaan.

Sufurow ayaa muddaba la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay.

Guddoomiyaha cusub oo dhalinyaro ah ayaa kamid ahaa golaha wasiirada HirShabelle, wuxuuna ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiid Duulista iyo Hawada ee maamulkaasi.

Faysal Salaad ayaa waxaa hortaallo shaqo adag oo ay ugu horeyso wax ka qabashada tabashada reer Beledweyne oo weli diidan maamul goboleedka HirShabelle.

Previous articleGalmudug oo Saacado Gudahood Markale Dil Toogasha Ah Ku Xukuntah Maxamed Xaashi
Next articleHorjooge Caruus oo Ka Mid noqday Alshabaabkii Shalay lagu laayay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here