Home Wararka Maanta Hogaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei oo sheegay in weerarka Israel uu ahaa...

Hogaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei oo sheegay in weerarka Israel uu ahaa Ciqaabta ugu yar

0

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarkii Talaadadii Iran ay ku qaaday Israa’iil uu ahaa “ciqaabta ugu yar”.

Iran waxay weerari doontaa Israa’iil mar kale “haddii loo baahdo,” ayuu ku sheegay khudbad uu Jimcihii ka jeediyay Tehran.

“Tallaabada quruxda badan ee ciidamadeena hubaysan dhowr habeen ka hor waxay ahayd gabi ahaanba sharci ” ayuu intaas ku daray Khamenei.

Waxaa uu wacad ku maray in Israel ay la kulmi doonto khasaare aan ka soo kaban doonin weligeed hadii ay Iran soo weerarto.

Khamenei waxa uu qayb weyn oo ka mid ah khudbadiisa u hibeeyey Xisbullah iyo Xasan Nasrallah oo ay Israa’iil ku dishay Beirut Jimcihii la soo dhaafay.

Waxa uu sidoo kale amaanay weerarkii ay Xamaas ku qaadeen Israa’iil 7-dii October oo uu ku tilmaamay mid “sharci ah” oo ka dhan ah sahyuunida caalamiga ah.

Qaybtii labaad ee khudbaddiisa waxa ay ku baxaysay luuqadda Carabiga, si uu u soo jeediyo dhegaystayaasha Lubnaan iyo Falastiin,

“Israa’iil waligeed ma jabin doonto Xamaas iyo Hezbollah,” ayuu yiri Khamenei.

“Dadka Falastiin waxay xaq u leeyihiin – marka ay wajahayaan cadowga qabsaday dhulkooda, gurigooda, beerahooda oo saameyn ku yeeshay noloshooda inay u istaagaan difaaca naftooda,” ayuu intaas ku daray.

Iran ayaa ku dhawaad ​​200 oo gantaal oo ballistic ah u dirtay Israa’iil Talaadadii, taasoo ay ku sheegtay inay jawaab u ahayd  dilkii hoggaamiyihii Xisbullah ee Xasan Nasrallah iyo madaxii siyaasada Xamaas Ismail Haniyeh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here