Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo oo la kulmay Saraakiisha Ciidan ee Maamulkiisa

Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo oo la kulmay Saraakiisha Ciidan ee Maamulkiisa

0

Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa shir muhim ah la qaatay Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca SSC-khaatumo iyo saraakiisha Ciidanka Daraawiishta.

Ugu horreyn Hoggaamiyaha ayaa warbixin ka dhagaystayTaliyaha Guud ee Ciidanka, Taliye ku xigeenka, Hoggaanada, Taliyo Qaybeedyada, Taliyayaasha Guutooyinka iyo dhammaan Taliya Colladda Geesiyaasha Daraawiishta.

Intaa kaddib, kulan ka ayaa diirrada lagu saaray

1. Horumarinta Ciidanka Daraawiishta
2. Xaqsiinta Naafada, agoonta iyo Xaasaska Shuhahadada Ciidanka Daraawiishta
3. Daryeelka guud ee Ciidanka
4. Adkaynta difaaca iyo u feejignaanta cadawga

Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Saraakiisha iyo dhammaan Ciidanka Daraawiishta dulqaadka iyo adkaysiga xeeshadheer ee ay muujiyeen muddadii halganka iyo kaddibba, isagoo xusay in ay dalkooda iyo deegaankooda ugu yihiin gaadh-haye-yaal aan nasan, daalin marnabana aan ka seexan waajibkooda ilaalinta iyo difaaca dhulweynaha SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in xukuumaddiisu mudnaan gaar ah siinayso ciidanka Daraawiishta, isagoona ballanqaaday in xukuumaddu hortebinta 1aad 2aad iyo 3aad ba siinayso daryeelka iyo xuquuq siinta Ciidamadeena geesiyaasha ah.

Hoggaamiyaha ayaa faray Taliska Guud in si dhakhso ah loo helo tirakoob sax ah oo ku saabsan agoonta ciidanka Daraawiishta, si geesiyaasha naftooda u huray deegaankooda xuquuqdooda loo sugo.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa kula dardaarmay Taliska Guud iyo Saraakiishaba in ay sii labanlaabaan dedaalkooda, islamarkaana dalkooda iyo deegaankooda ugu adeegaan si daacadnimo, hufaan iyo hawlkarnimo ku dheehanatahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here