Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah oo ku dhawaaqaydagaal jaantaa furan ah

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah oo ku dhawaaqaydagaal jaantaa furan ah

0

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa ku dhawaaqay dagaal jaantaa furan ah amaba aan xadidneyd oo ka dhan ah Israel.

Hoggaamiyaha oo jeedinayay khudbad uu ugu talagalay tacsida Abaanduulihii Garabka Militariga Xisbullah, Fuad Shukur ayaa sheegay in Israel ay ka gudubtay khadka cas, ka dib markii uu ku eedeeyay in Talaadadii ay duqayn ka gaysatay dhisme ay dad rayid ah degan yihiin oo ku yaala duleedka Magaaalda Beirut ee dalkaasi Lubnaan.

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay in dhismaha la beegsaday uu ahaa mid rayid, isla-markaana aanu ahayn goob militari, isaga oo intaasi ku daray in ay u aargudi doonaan dadkii rayidka ahaa ee weerarkaasi lagu dilay.

Mar uu ka hadlayay gantaalka 12-ka qof ku dhinteen ee Sabtidii lagu weeraray Magaalada Majdal Shams ee Buuraleyda Golan ee Suuriya laga haysto ayuu sheegay in ay horey u beeniyeen inaysan iyagu ka dambeen weerarkaasi, balse Israel ay dusha u saarineyso wax aysan iyagu ku shaqo lahayn. Waxa uu sheegay in gantaalkaasi uu ahaa mid ka baxsaday gacanta Ciidamada Israel.

Iyadoo Israel ay ku adkeysanayso go’aankeeda ah in Xisbullah ay weerarkaasi ka dambeysay ayuu sheegay in ay u bareertay dilka Fuad Shukur, si ay wax yar u qososho, ha yeeshee ay wax badan ooyi doonaan, sida uu yiri.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa iclaamiyay in dagaalka ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta inuu yeeshay weji kale, isla-markaana ay Israel la gelayaan dagaal toos ah oo furan. Xisbullah ayaa tan iyo 8-dii bishii October gantaalo ku garaaceysay deegaanada waqooyiga Israel ee saaran xuduudda Lubnaan.

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaase sheegay in xaaladdu ay ku xirnaan doonto jawaabta ay Israel ka bixin doonto aargoosiga ay marka hore sameynayaan.

“Israel waxay dhaaftay khadka cas, jawaabtuna waa mid lama huraan ah. Haa waa hubaal inaan ka aargudan doono. Kororka wuxuu ku xiran yahay habdhaqanka iyo falcelinta cadowga. Xaaladda gobolka waxay ku xirnaan doontaa jawaabta Israel ee aargoosiga soo socda.” Ayuu yiri Hassan Nasrallah, Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah.

Hassan Nasrallah ayaa sheegay in dilka ay Israel u gaysatay buu yiri Ismail Haniyeh, Hoggaamiyihii Xamaas uu keeni doono in ay dagaalka ka wada qayb qaataan dhammaan dhinacyada taageeraya dadka reer Gaza, sida Yemen, Suuriya, Ciraaq iyo Lubnaan.

“Waxaan wajahaynaa dagaal weyn oo ka soo gudbay arrinta safafka taageerada.” Ayuu yiri Hassan Nasrallah oo intaasi ku daray “Waxaan leeyahay cadowga wax yar qosla, mar dhow ayaad aad u ooyi doontaan, sababtoo ah ma garaneysaan khadka aad ka gudubteen.”

Hassan Nasrallah ayaa xusay inaysan marnaba u dulqaadan doonin beegsiga lagu hayo masuuliyiintooda, isla-markaana ay si adag uga jawaabi doonaan dhaqanka Israel, sida uu yiri.

“Ma jirto wax dood ah oo arrintan ku saabsan, annaga iyo idinkana waxay ahaan doonaan maalmo, habeeno iyo goob dagaal.” Ayuu yiri Hassan Nasrallah oo carabka ku adkeeyay “Aargoosigan ma wuxuu noqon doonnaa mid halmar ah mise weji kala duwan ayuu yeelan doonnaa? Cadowgu ma garanayo.”

Dhanka kale Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Tel Aviv iyo xulafadeeda reer galbeedka ay si weyn ugu diyaargaroobeen jawaabta ka iman karta Iran iyo ururada hubeysan ee ka jira gobolka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa walaac ka muujiyay kor u kaca xiisadda Bariga Dhexe, isagoo sheegay weeraradii ka dhacay Beirut iyo kii Tehran ee lagu dilay Ismail Haniyeh uu gobolka u horseedayo iska horimaad ballaaran.

Xoghaye Guterres ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay is xakameeyaan oo xaaladdana ay dejiyeen, balse Iran ayaa wacad ku martay inaysan ka laaban doonin yoolkeeda ay kaga aargudaneyso fara-gelinta ay Israel ku soo sameysay madaxbannaanideeda dhuleed iyo dhiigii Ismail Haniyeh ee dhulkeeda lagu daadiyay.

Safiirka Iran ee Qaramada Midoobey, Amir Saeid Iravani ayaa Arbacadii warqad u qoray Qaramada Midoobey, si Israel loogu ciqaabo sida uu sheegay xadgudub qaawan oo ka dhan ah xeerarka aasaasiga ah iyo mabaadii’da sharciga caalamiga ah.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya inaysan muuqan wax calaamado ah oo lagu cunaqabateyn karo Israel, marka aad eegto in Mareykanku uu gadaal ka taagan yahay, tanina waxaa la leeyahay Iran kama baajin doonto in ay ka aargudato Israel.

Ma cadda qaabka ay Iran uga aargudan doonto Israel, waxaase jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya inay suurtagal tahay in aysan ka weerarin dalkeeda, taasi bedelkeedana ay ka weerarto dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Iran ayaa bishii April dalkeeda ka weerartay Israel, iyadoo xilligaasi ka aargudaneysay duqayntii ay Israel 1-dii bishaasi ka gaysatay Xarunta Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaalada Dimishiq ee dalkaasi Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here