Home Wararka Maanta Horjooge Caruus oo Ka Mid noqday Alshabaabkii Shalay lagu laayay Galmudug

Horjooge Caruus oo Ka Mid noqday Alshabaabkii Shalay lagu laayay Galmudug

0

Maxamed Ismaaciil Caruus ayaa ku baxay gacanta Ciidamada Macawialayda iyo ku GorGor  isku dhafka ah Ee Shalay Dagaalka Lagu Riiqmay ee ka Dhacay Dukeedka Xarardheere!

Caruus waxa uu hore u ahaa Afhayeenkii Xisbul Islaam, waagii wadaadka xabsi guriga ah Ee Xasan Daahir uu Cadaado iska dhiibayay ayuu la socday laakiin markii Muqdisho la keenay ayuu markale isaga biiray kooxda Alshabaab.

Waxa uu qayb ka ahaa weeraro Alshabaab ka Gaysteen  Kenya, Xarardheere ayuu joogi jiray oo qoyskiisa daganaayeen, waxa uuna u qaxay Baraag Ismaaciil marka laga fara maroojiyay magaaladaas Kooxda Alshabaab.

Waxa uu hadda abaabule dagaal oo Alshabaab u qaabilsanaa Mudug balse Shalay ayuu ku Geeriyooday Dagaal Gacmaha Laiskula tagay oo Ka dhacay Duleedka Xarardheere.

Dhanka kale Ciidamada Dowlada ayaana Ku Guulaystay inay Ka Hortagaan Alshabaab Badan oo Doonaayay inay Dib Uqabsadaan Magaalada Xarardheere.

Previous articleHirshabeele oo Gadiid Dagaal Wata oo Gudaha Baladweyna Maantay Gashay(Sawiro)
Next articleBeesha Sacad oo Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo Farabadan Gaysay Udirtay Xarardheere oo Shalay Dagaal Qaraar ka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here